Dhageyso:Ra’isal Wasaarihii hore Soomaaliya Nuur Cadde oo Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka UK ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay.

wiil uu dhalay ee lagu magacaabo  Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayaa xaqiijiyay geerida aabihii, oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka Kings College.

Meydka Marxuum Nuur Cadde ayaa lagu aasi doonaa magaalada London, maadaama aanay suura gal aheyn in Soomaaliya loo soo qaado, si loogu aaso maadaama  ay xayiran yihiin isu socodka duulimaadyada inta badan dalalka caalamka oo la tacaalaya ka hortagga cudurka Coronavirus.

Allaha u naxariistee Nuur cadde ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sanadihii 2007-2009, dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.