Taliye Odowaa ka badbaaday Weerar shabaab ay ku qaadeen

Af-hayeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar (oronji), ayaa xaqiijiyay in Taliyaha ciidanka xoogga dalka Generaal Odowaa yuusuf Raage uu ka badbaaday qaraxa oo sida uu sheegay Al-shabaab u adeegsadeen laba neef oo Lo’ ah.

Sidoo kale, Af-hayeenka ayaa xusay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaas lagu weeraray Taliyaha Ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxana ay  tilmaameen  in uu si dirqiya uga badbaaday Taliyaha, kadib markii ay ku weerareen laba sac oo miinaysan.

Taliyaha Ciidanka Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil wehelisay, ayaa wakhtiga qaraxlagu weeraray kormeer ku samaynayay, fariisimaha Ciidanka dowladda ee ku sugan degaanka Jannaale.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.c