Doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka KGS oo maanta baydhaba ka dhacaysa

wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ay ka dhici doonto doorashada Gudoomiayaha baarlamaanka koofur Galbeed soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen

ilaa iyo 5 musharax ayaa u Tartameysa  xilka  Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaana xubnahaasi ka mid ah Dr Cali saciid Fiqi oo ahaa Safiirka Soomaaliya Midowga Yurub

Amaanka Magaalada Baydhaba ayaa la Adkeeyay iyada oo wadooyinka Magaaladaasi la dhigay ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid waxaana wehliya ciidamo militari ah kuwaas oo xaqiijinaya Amniga Magaalada Bydhaba.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.co