Bandow xalay ka dhaqan galay Magaalada Boosaaso

Degmada  Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaa xalay si rasmiya uga dhaqan-galay bandow ay xilliyada Habeenkii ah soo rogtay madaxda maamulka  Puntland, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.

shacabka  ku nool xaafadaha kala duwan ee Boosaaso, ayaa guryahooda ku xerooday lixdii makhribnimo ee xalay  kadib markii Taliska Booliiska Gobolka Bari uu ogaysiis ku bixiyay in la fuliyo Amarkii dowladda, islamarkaana dadku guryahooda ku sugnaadaan.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo qoraal kooban soo saaray Saqdii dhexe ee xalay, ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo Amarka madxda Puntland, uu magaalada Boosaaso si rasmiya uga dhaqan-galay bandowgii lagu soo rogay

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com