Maxaa keenay Dib u dhaca shirkii loo balansanaa in maanta Muqdisho uu ka Furmo

Dib u dhac  ayaa ku yimid Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, kaas oo loo ballansana in uu Maanta oo Khamiis ah ka furmo Magaalada Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in Arrimaha farsamo dartood uu Shirku dib uga dhacay Maanta, islamarkaana uu si rasmiya u furmi doono Sabtida soo socota, kadib markii la dhammaystiro Arrimaha farsamo oo dhiman.

Dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay shalay gaareen Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, halka Puntland iyo Jubaland horay u sii joogeen.

Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxa diiradda lagu saarayaa Turxaan-bixinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada Soomaaliya, kaas oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland, si heshiis midaysan looga gaaro Hannaanka Doorashada soo socota.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com