Norwey oo tiro qaxooti ka soo qaadaneysa wadanka Gariiga.

Oslo, Dowladda Norwey ayaa maanta shaacisay in ay soo qaadaneyso qeyb ka mid ah dad qaxooti ah oo ku sugay wadanka Gariiga.

Ra.isul wasaaraha Norwey Erna Solberg oo la hadashay warbaahinta ayaa xaqiijisay in xukuumadeeda soo qaadi doonto 50 ruux oo ku sugan xero qaxooti ee ku taal jaziirada Moria -leiren.

Inta badan Xisbiga wadanka ayaa Sidoo kale soo dhaweeyay go,aanka dowlada.

11-degmo ayaa iyana sheegay in diyaar u yihiin dib u dajinta qaxootiga laga soo qaadayo dalka Gariiga.

Go,aankaan ayaa imaanaya xili xalay dab xoogan uu qabsaday kaamka Moria-leiren oo ay ku noolaayeen in ka badan sedex kun oo qaxooti ah kuwaas oo ka soo kala jeeda wadamo kala duwan.

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com