Alshabaab oo sheegtay in ay Dib u qabsadeen Degaanka Janaay Cabdalle

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay dib ula wareegeen Degaanka Jannaay-cabdalle oo qiyaastii 60KM dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubaland.

Ciidamada Daraawiishta Jubaland oo ay weheliyaan Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB ayaa maalmo ka hor Al-shabaab kala Wareegay Degaanka Jannaa-cabdalle oo ku yaalla goob istiraatiiji ah.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in Ciidamada Jubaland iyo Kumaandooska DANAB ay iskood isaga baxeen Degaanka Jannaa-cabdalle islamarkaana Al-shabaab dib ula wareegtay.

Dhinaca kale Taliska Ciidamada Jubaland iyo Kumaandooska DANAB ayaan weli ka hadlin sheegashada Al-shabaab ee ku aaddan in ay dib ula wareegeen Jannaa-cabdalle.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com