Ciidamada Dowlada oo la wareegay Xaruntii ugu weyn Alshabab ee Sh.Hoose.

Ciidamada Danab ee dowlada Federaalka Somalia ayaa maanta si buuxda ula wareegay Deegaanka Tooto-toorow ee Gobolka shabelaha Hoose.

Deenaankaan ayaa ahaa mid ka mid ah xarumaha ugu weyn Alshabaab Gobolka shabeelaha Hoose ku lahaayeen.

Alshabaab ayaa halkaas gacanta ku hayay labadii sano ee ugu dambeysay isla markaana ku lahaa Maxkamad ay ugu garsooraan dadka dacwooyinka qaba.

Xaruntaas ayaa sidoo kale aheyd meel ay xukun u doontaan dadka iyo ganacsatada ku dhaqan Muqdisho.

Wixii Warar ah ee ku soo kordha kala soco www.aragticusub.com

Info@aragticusub.com