Wasiir Goodax Barre oo u jawaabey Ardayda Puntland

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax-barre oo markale ka hadlay khilaafka waxbarasho ee Puntland iyo dowladda federaalka ayaa sidoo kale u jawaabey qaar kamid ah Ardayda deegaannada Puntland oo cabasho muujiyey.

Ardaydaas oo dhigta mid kaid ah Iskuulada ugu weyn Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay dalbadeen in aan la siyaasadeyn shahaadadooda,waxaana ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay galaan Imtixaanka dowladda iskuna kalsoon yihiin.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka jawaabayey muuqaal Baraha Bulshada lagu faafiyey oo ay cabasho ku muujinayeen qaar kamid ah ardayda deegaannada Puntland.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhinaca Waxbaarshada ah ee u dhaxeeya Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho,

Info@aragticusub.com