Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo Maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee Caasmadda dalka Itoobiya.

Shirkaan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.

Xafiiska Wararka,Muqdisho,

Info@aragticusub.com