Muhaajiriin Soomaali ah oo dhibaataysan, kana walaacsan COVID 19

Qaxootiga Soomaalida ku nool dalka Indonesia waxay cabsi xooggan ka muujiyeen inuu COVID 19 ku dhex faafo Dhismayaasha lagu hayo Qaxootiga.

Bilowgii bishii hore ee Maarso waxaa Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Qowmiyadda Rohingya ee ku nool dalkaasi la dejiyey Dhismo Hotel oo ku yaalla magaalladda Medan ee Gobalka Waqooyiga Sumatra, halkaasi oo uu ku booqday Wakiilka Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM u jooga dalkaasi.

Inta badan Qaxootigaasi waxay in ka badan 9 sano ku sugan yihiin dalka Indonesia, waxaana la sheegay inay haatan aad uga walaacsan yihiin Faafista COVID 19.

Qaxootigaasi waxaa la sheegay inay haysanin Saabuun, Maaskarada Wejiga iyo qalab kale oo Caafimaad, waxayna buux-dhaafiyeen Qolalka Hoteelka la dejiyey.

Haweeneey Soomaali ah  oo magaceeda lagu soo koobay Xamda waxay Suxufiyiinta u sheegtay inay Hay’adda IOM kula Talisay Qaxootiga inaysan ka bixin Xerada Hotelka la dejiyey, balse aysan heli Karin cunto, haddii aysan ka soo iibsanin bannaanka Xerada.

Qaxooti kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Fahad Maxamed C/llaahi waxa uu sheegay inaysan ogeyn xilliga uu ku dhici doono COVID 19, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu walaac ka muujiyey  caafimaadka liita ee labadiisa carruur ee da’dooda kala tahay sanad jir iyo 5 jir, kuwaasi oo la xanuunsan Xanuunka Neefsashada.

“Waxaan nahay Qaxooti, ma haystano Fursad aan ku tegi karno Isbitaalka, mana naqaano xilliga uu nagu dhici doono COVID 19” ayuu yiri Fahad Maxamed C/llaahi oo isagu dalka Indonesia tegay sanadkii 2013-kii.

nta badan Qaxootiga ku nool dalka Indonesia waxay isticmaalaan Kaniiniga Hurdada, si ay isaga yareeyaan Walbahaarka ama Istereeska.

Waddanka Indonesia kama mid ah Saxiixayaasha Heshiiska Calaamiga ee Qaxootiga ee la saxiixay sanadkii 1951-kii ama Borotokaalkiisa 1967-dii, kamana jirto Indonesia Nidaamka Dib-u-dejinta Qaxootiga ee gudaha dalkaasi.

Haatan, Qaxooti Soomaalida iyo kuwa kale ee ku sugan dalka Indonesia ma haystaan Galaangal ay kaga shaqeysan karaan dalkaasi ama ku codsan karaan Magangeliyada Waddan 3-aad, waxaana xaalladda ka sii darayo dalka Indonesia oo uu ka dilaacay COVID 19.

Saraakiisha Caafimaadka waxay sheegeen inay diiwaan-geliyeeen Kiisaska 2,092 qof, iyadoo tirada dhimashadana ay gaartay 191-qof.

 

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com