Ganacsade Jack Ma oo mar kale dalalka Afrika ugu deeqayo Qalabka Ka-hortaga COVID 19

Maalqabeenka weyn ee dalka Shiinaha ee Jack Ma ee leh Hay’adaha Alibaba Foundation iyo Jack Ma Foundationa ayaa la sheegay inuu Deeq dheeraad ah oo Qalabka looga hortagao COVID 19 u soo dirayo dhamaan 54-ka Waddan ee Afrikaanka.

Deeqdaasi waa tii Labaad ee uu Maalqabeenkaasi ku taageerayo dadaalka Dowladaha Afrika ee La-dagaalanka COVID 19.

Deeqdan cusub ee uu haatan soo diri doono waxay kala yihiin: 500 oo Marwaxad, 200,000 ee Labiska Daaweysan iyo Gaashaanka Wejiga,  2,000 Qalabka lagu cabrio Kulaylka jirka Aadanaha ee loo yaqaano Thermometers, Hal million ee qalabka wax lagu baaro ee Afka la geliyo iyo Xirmooyinka lagu baaro COVID 19 iyo 500,000 oo gacan-gashiga ama Gloves.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adaha uu maamulo Maalqabeenka Shiinaha ee Jack Ma waxay ku sheegeen in Shixnadaasi loo soo daabuli doono Qaaradda Afrika, iyadoo lala kaashanayo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, Xarumaha Afrika ee Kontoroolka iyo Ka-hortagag Cudduradda (Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC), Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP iyo Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

Bishii la soo dhaafay, Maalqabeenka Shiineeska waxa uu Deeq Qalabka looga hortago COVID 19 guddoonsiiyey dhamaan 54-ka Waddan ee Qaaradda Afrika, iyadoo dal kasta saami u helay 100,000 Labiska daaweysan iyo Gaashaanka Wejiga, 20,000 ee Qalabka lagu tijaabo Caabuqaasi iyo 1,00 Labiska Difaca iyo Gaashaanka Wejiga.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com