Muxuu Madaxweyne Xasan sheekh ka yiri , Guusha Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku Xigeenkiisa Yuusuf Dabageed?

Madaxwaynihii Hore ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxwaynaha Cusub iyo Madaxwayne ku xigeenka Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ,

“Hambalyo madaxweynaha la doortay ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ku bixiyeen dhismaha maamulka.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo howlaha loo idmaday, aniga oo ku baaqaya in la garab istaago maamulka cusub, si ay u xaqiijiyaan rajada shacabka.” Ayuu yiri ,Xasan Sheikh.
Mucaaradka Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo ku qanacsan Guusha Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ay ka gaareen dooorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com