Faah faahin Khasaara isugu jiro dhimasho iyo dhawac oo laga helayo Xabsiga Dhexe+ Sawirro

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa khasaaraha nafeed ee ka dhashay iska horimaadka gelinkii dambe ee maanta ka bilowday Xabsiga Dhexe ee Xamar, fiidnimadii caawana la soo geba-gabeeyay.

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa wajahay qiyaastii sagaal nin, oo sida la sheegay ka dhex dagaalameysay xabsiga, ka dib markii ay gacanta ku dhigeen hub ay lahaayeen Ciidanka Asluubta ee xabsigaasi ilaalisa.

Xoogaga Haramcad ayaa waxay hawlgalka ku dileen afar ka mida raggaasi, iyadoo mid kalana aan nolol iyo geeri midna lagu hayn, halka afartii kale ay gacanta ku soo dhigeen, iyagoo dhaawacyo qabo.

Sidoo kale shan qof oo shacab iyo askarba isugu jira ayaa ku dhintay iska horimaadka, markii ugu horeysay laga soo wariyay mid ka mid ah xabsiyada ugu ilaalada adag ee dalka. Waxaa kaloo jiraa maxaabiis rayidka ah oo iska horimaadkaasi ku dhaawacantay.

Ciidan fara-badan oo kuwa dowladda ah ayaa iminka ku sugan wadooyinka soo gala Xabsiga Dhexe, iyagoona wadooyinkaasi ku jaray gaadiidkooda dagaalka.

Intii uu iska horimaadka ka dhex socday xabsiga ayaa waxaa laga maqlayay qaraxyo ay adeegsanayeen maxaabiistii Shabaabka ahayd ee ka dhex dagaalameysay, waxaana jira shaki ku gadaaman, sida ay gacantoodu ku soo gashay qaraxyadaasi, bacdamaa Ciidanka Asluubta aysan isticmaalin nooc kasta oo qarax ah, waxaase jira warar sheegaya in hubka iyo qaraxyadaba dibadda looga keenay, waana mid kale oo weydiinteeda leh, haddii wax kasta oo lala gelaayo Xabsiga Dhexe la baaro, xitaa raashiinka, dharka iyo agabyada kale ee qoysaska u keynaan eheladooda ku xiran xabsigaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaan weli ka hadlin iska horimaadkan, oo noqonaya kiisii ugu horeeyay ee ka dhaca xabsiga ugu weyn Magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkan ayaa weji gabax kale ku noqonaya Dowladda Federaalka, oo horey ugu guuldareysatay inay ka hortagto weeraro, ay Shabaabku ka gaysteen xarumo muhiim ah.

Arrintan waxaa loo arkaa mid dabka ku sii shidi doonto mowjadihii siyaasadeed ee toddobaadyadii la soo dhaafay wajaheysay Dowladda Federaalka, ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo sifihii aan sharciga ahayn ee kalsoonida loogala noqday Ra’iisal Wasaarihii Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Dadka wax ku qora barraha bulshada ayaa iska horimaadkan ku sheegay mid abaabulkiisa leh, isla-markaana ka tarjumaya heerka uu gaarsiisan yahay habacsanaanta ka jirta xabsigaasi. Dad kalana waxay leeyihiin waxa ay calaamad u tahay sida uu Shabaabku ugu dhex-milmay hay’adihii dowladda.

Tani waxay ka mid tahay su’aalaha ka dhex guuxaya maanka dadweynaha, haddii aad milicsato, sida ay maxaabiistaasi u awooday inay shirqoolo ka oogto mid ka mid ah xabsiyada loogu ilaalinta badan yahay ee dalka.

Dad badan ayaa aaminsan inaysan Shabaabka weerar ka dhex gaysan kari lahayn Xabsiga Dhexe ee Xamar, haddii aysan markaasi jirin gacan gudaha ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com