Dowlada Soomaliya oo loogu baaqay in ay joojiso ku tacadinta  Wariyayaasha

 

3da Bisha May Aduunka waxa uu u aqoonsaday in ay tahay maalinta xorriyadda Saxaafadda Aduunka.

Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa Saxaafadda Somaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay caalamka ka jogaan. Saxaafadda joogta Gudaha dalka waqtiyo adag ayey soo shaqeyeen, welina ku shaqeynayaan.

Dowladda JFS Waxaan ka codsaneynaa in la sii daaayo Wariyayaasha ku xiran Gudaha dalka, lagana joojiyo hanjabaadyadda iyo caburinta joogtada iska noqotay maal’mahaan. Waxaa laga ma maar’maan ah in la ilaaliyo xorriyadda hadalka iyo Xuquuqda Saxaafadda, waxa ayna ka mid tahay dowlad wanaaga iyo dimuqaraadiyadda.

Waxaan halkaan uga duceynayaa wariyayaashii sida xaq darrada ahaa lagu dilay iyagoo dalkooda iyo dadkooda u shaqeynaya. Dhamaan Allaha u wada naxariisto.

Soomaaliya marka laga hadlayo xuquuqda iyo ilaalinta wariyayaasha waxeey kagajirtaa meel aad u hooseyso manajirto maamul ama dowlad u istaagtay bed qabka wariyayaasha ku shaqeeyo marxaladaha adag.

W/Qo: Daadir Macalin Abshir!