Midowga Musharaxiinta oo ka xumaaday hadalkii R/wasaare Rooble

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka horyimid warkii maanta ka soo yeeray Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ee ahaa in xukuumadda ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la guda geli doono hirgelinta doorashooyinka, si aan waqti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa galabta sheegay in warka ka soo yeeray Ra’iisal Wasaaraha uu lama fillaan ku yahay dadaaladii socday.

“Go’aanka maanta aan maqleynayo ee Ra’iisal Wasaaraha uu jeediyay waa arrin anaga marka loo eeggo arrimihii socday iyo shirarkii aan halkan ku galnay arrin lama fillaana ku ah, oo ka duwan waxyaabihii halkan lagaga wadahadlay ee lagu heshiiyay.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Waxaa uu sheegay in go’aanka Ra’iisal Wasaaraha uu soo baxay, xilli uu socday dadaalo lagu hirgelinayo saddex qodob oo Dowladda Federaalka laga suggaayay inay fuliso, qodobadaas oo uu ku kala sheegay in Guddiga Doorashooyinka Somaliland ka imaanaya iyaga loo madaxbannaneeyo soo xulista Xildhibaanada, arrinta Gobolka Gedo iyo xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee muranka laga keenay, lagana dalbaday dowladda inay bedesho.

Xilli Dowladda Federaalka laga suggayay inay jawaab ka hellaan ay layaab ku noqotay shirkii jaraa’id ee Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ku qabteen Magaalada Muqdisho.

“Iyadoo jawaabtii la suggayo waxaa layaab noqotay in maanta ay xukuumadda shir jaraa’id qabato, oo ay ka hadlaan Ra’iisal Wasaaraha iyo Axmed Qoorqoor, labaduba oo ay yiraahdaan waxaanu la wadaagnay Madaxdii Jubbaland, Puntland iyo Madaxda kale ee siyaasiyiinta, iyagaana jawaab laga waayay. Arrintaasu waa waxaan la filleynin.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa xaqiijiyay in ay Madaxweyne Qoorqoor ka aqbaleen in uu arrintaan dhexdhexaadin ka galo, balse aanay jawaab ka helin.

“Madaxweyne Qoorqoor wuu noo yimid, arrintaan aan ka odayeeyo buu yiri, waan ka aqbalnay, jawaab-na naguma soo celinin.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Waxa kaloo uu yiri “Siyaasiyiintii iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa arrintaan cabasho ka qabay, marka inay ku adkeystaan oo sideedii ay ku socod siiyaan, sidii ay rabeen, iyadoo aanu anaga mar walba tanaasuleynay waa arrin aan la filleyn.”

Ridwaan Xirsi Maxamed, Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa hoosta ka xariiqay in wax laga xumaado ay tahay in Dowladda Federaalka ay baalmarto, wixii lagu heshiiyay.

“Wixii lagu heshiiyay ee leesla qaatay inay khilaafaan ay tuuraan, oo bannaanka dhigaan oo hadda yiraahdaan anagaa doorashada qabsaneyna, dee arrintaasu waa arrin aad iyo aad runtii looga xumaado, mana aheyn wax dadka Soomaaliyeed ay suggayeen, haba yaraatee.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Fashilka la sheegay in uu ku yimid dadaaladii laga dhex waday Dowladda Federaalka iyo dhinacyada ay siyaasadda ku kala aragtida duwan yihiin ayaa markale wiiqi kara geedi-socodkii doorashooyinka.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”