Weerar caawa lagu qaadey xero ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Wararka Caawa laga helayo deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaankaas.

Dadka deegaanka Buufow oo ku yaalla duleedka Marka ayaa waxaa ay sheegeen in mar qura ay ka warheleen dagaalka lagu qaadey Xerada Ciidamada AMISOM,isla markaana uu dhacay dagaal socdey in ka badan 30 daqiiqo,hayeeshee aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Weli rasaas goos goos ah laga maqlayo deegaanka Buufow Bacaad ee duleedka Marka,waxana dadka  dadka deegaanka ay sheegeen inay Caawa cabsi dareemayaan.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com