Deg deg Qarax khasaaro geystay oo Ka dhacay duleedka Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka lagu aaso oo duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro kala duwan.

Qaraxaas ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen dad aan la Cadeyn waxa ay ahaayeen, waxaana uu gaariga qaraxu haleeyay xili uu mararay inta u dhexeeysa Xaawo-Cabdi iyo deegaanka Lafoole.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com