Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay hub iyo rag watay

Ciidamada Qalabka sida ee howlgallada ka wada degaannada Galmudug ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeeen Saddex Xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo hub ay wateen meel ku dhow Magaalada Camaara ee Gobolkaasi Mudug.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in inta badanbdegaannada Galmudug ay isaga baxeen Al-Shabaab, isla markaana, isla markaana, iyaga oo qaarkood kabtegay hubkooda ay aadayaan degaano ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada ayaa degaanka Camaara awaxaa ay kusoo bandhigeen Saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkooda, kuwaas oo ay sheegeen in dhawaan Maxkamad loo gudbin doono.
Degaannada ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, waxaana la sheegay in intii uu socday howlgalka ay la wareegeen degaano dhowr ah.