Rooble oo qaabilay Musharax Daahir Maxamuud Geelle (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa weli wada kulamada uu xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula qaadanayo Musharaxiinta Madaxtinimada ee dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa gelinkii dambe ee maanta xafiiskiisa ku qaabilay Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle, oo horey u soo noqday Wasiirkii Warfaafinta ee Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qoraal lagu daabacay barta xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ku leeyahay Facebook ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Xisbiga Dan Qaran, Daahir Maxamuud Geelle, oo ay ka wadahadleen in doorashooyinka dalku galayo noqdaan kuwo daahfuran, oo si xasilloon ku qabsooma.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli Ra’iisal Wasaare Rooble uu maanta sheegay in xukuumadda ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”