Itoobiya oo gacanta ku dhigay mid ka mida aas asayaashii TPLF (SAWIRR

Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay inay gacanta ku dhigtay sagaal xubnood oo midkood uu yahay mid ka mida raggii aasaasay Xisbiga Tigreyga Itoobiya ee TPLF.

Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa sheegtay in ninka la qabtay uu yahay Sebhat Nega, kaasoo ka mid ah xubnaha TPLF ee sida weyn loo doon doonayay.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay sheegtay in ninkan oo ku jira da’da sideetamaadka laga soo qabtay Gobolka Tigreyga, oo uu ku dhuumaleysanayay.

Diyaarad militariga leeyahay ayaa galabta Sebhat Nega lagu geeyay Magaalada Addis Ababa, xilli uu gacmaha ka jeebadeysan yahay.

Xubnaha kale ee ninkan lala keenay Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku jira Saraakiil ciidan, rag kalkaaliye-yaal u ahaa iyo weliba laba haween oo da’ ah.

Warbaahinta ayaa qoreysa in Sebhat Nega uu ahaa maskaxdii ka dambeysay aasaaska Ururkii TPLF, ee afgembiga kula wareegtay dalkaasi, sanadkii 1991-kii.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa baacsi ku haya Saraakiishii TPLF, tan iyo markii bishii November ay Xukuumadda Addis Ababa ku gacan-seyreen inay isa soo dhiibaan, cafiska loo fidiyayna ay ka faa’iideystaan.

Halkaan kadaawo Sawirrada