Dhageyso:Golaha Samata bixinta Awdigil oo Cambeerayay Xasuuqii Amisom ay ka geysteen shabeelaha Hoose

Gudoomiyaha Golaha Samata bixinta Awdigil Suldaan Sahariif Cali Xasan Ibraahim ayaa si kulul u Cambaareeyay xasuuqii ciidanka Amisom ay ka geysteen meel u dhow degaanka Golweyn ee gobolka shabeelaha Hoose.
Suldaan Shariif Cali xasan ayaa shjeegaya in ay ka qayb qaadanayaan dibadbaxyada looga soo horjeedo Ciidanka Amsom oo dhor jeer Dad shacab ah ku dilay gobolka shabeelaha Hoose
Sidoo kale, Suldaan Shariif cali Xasan Ibraahim ayaa sheegay in Falkaasi lagu xasuuqay dadkaas oo shacab ahaa uu yahay mid aad looga Argagaxo islamarkaana ay kula Xisaabtamayaan maamulka Koofur galbeed iyo Dawlada Federaalka
Ciidamada Amsom ayaa toogtay 7 ruux oo beerayley ahaa aka dibna Miino ku dul qarxiyay taasi oo keentay in banaanbax ay sameeyaan ehelada Dadka la dilay waxaana ay ka codsadeen dawlada Federaalka in cadaalada la horkeeno Ciidankii ka dambeeyay Falkaasi lagu xasuuqay Dadka shacab ka ahaa.