UK oo 600 Askari u diri doonta Afganistaan

Wasiirka Difaaca ee dalka UK, Ben Wallace waxa uu sheegay inay Ciiddankaasi taageero ka geysan doonaan sidii loo soo daad-gureyn lahaa Muwaadiniinta UK iyo shaqaalihii hore ee Reer Afganistaan.

“Waxaan bixiyey Amarka Ciiddamo dheeraad ah loogu dirayo Afganistaan si ay u taageeraan Diplomaasiyiinta iyo Muwaadiniinta Britain ee ku sugan magaalladda Kabul iyo inay taageeraan dib-umeeleynta Shaqaalihii hore ee Reer Afganistaan ee Naftooda Khatarta u geliyey si ay nooga garab shaqeeyaan” ayuu yiri Ben Wallace.

Dowladda UK ayaa dalka Afganistaan waxaa kajooga Ciidamo farabadan, kuwaas oo Ciidanka dowladda kabtaageera dagaalka lagula jiro Kooxda Taalibaan.