Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay Gudiga labada Gole ee dhameystirka dastuurka

Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaa manta ka qabsoomay kulan la tashi ah una dhexmaray laanta fullinta DGGM, iyo hay’adaha dastuurka sida; Wasaaradda Dastuurka JFS, Guddiga la- socodka Dastuur ee Barlamaanka, Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista & hirgelinta dastuurka.

Masuuliyiintii shirkani kasoo qeyb galay waxaa kamid ahaa, Madaxweyne Ku xigeenka GM, iyo qaar kamid ah Golaha wasiirada Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Dastuur DGGM ayaa ugu horreyn shirka furay.
Intaa kadib, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hay’adaha Dastuurka ka dhageystay warbixin la xiriirta geeddi socodka dib u eegista Dastuurka KMG, guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qorsheysan hay’adaha Dastuurka inta waqtiga ka dhiman iyo talo soo-jeedin.

Wasiirka wasaaradda Dastuurka XFS; Saalax Axmed Jaamac ayaa dul istaagay waxyaabaha wadaxaajoodka u baahan si loogu guulaysto qeybya-tirka Dastuurka.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor, oo madasha hadal-jeedin ka sameeyay ayaa ballanqaaday iney diyaar u yihiin, taladooda iney ku biiriyaan dib u eegista dastuur, madaama uu yahay sharciga ugu sareeya isla markaana gundhig u yahay dhammaan shuruucda kale ee Dalka ayna muhiim tahay wadaxaajood siyaasadeed laga gaaro.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Qoorqoor ayaa guddoomiyaha Guddiga la socodka Dastuurka ka guddoomay nuqul kamid cutubyadii dib u eegista lagu sameeyay ee Dastuurka qaran.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com