Madaxweyne Farmaajo oo ka digay fara gelinta Kenya ay ku heyso Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya   Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay  Arimo kala duwan oo La xidhiira  Xaalada Soomaaliya.

Madaxweyne  Farmaajo ayaa ka hadlay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, la-dagaallanka musuqa, wada shaqeynta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, doorashooyinka soo socda, Saxiixa Sharciga Batroolka, xidhiidhka Dowlad Goboleedyada, Iskaashiga Dhaqaale ee dalalka Gobolka, faragelinta Kenya ee dalka iyo mawqifka Soomaaliya ee kursiga Golaha Ammaanka ee ay Jabuuti u tartamayso.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Kenya Fara gelin ay ku heyso Soomaaliya islamarkaasna Jubland Arinteeda uusan waxba ka quseyn isaga oo ku Eedeeyay in Kenya marwalba dhibaato joogto ah ay ku tahay gobalada Jubooyinka iyo Gedo waxaana uu sheegay in Murunka badda ee Soomaaliya iyo Kenya Maxkamad uu horyaalo islamarkaana aysan ahayn in Kenya ay ku xadgudubto Soomaaliya

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com