Maraykanka oo Xoojinaya wada shaqeeynta uu la lee yahay Puntland

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee Bosaso kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM General Stephen J. Townsend.

Kulankan ayaa daba socdey kulamo isadaba jog ahaa oo saraakiil iyo diblomaasiyiin Maraykan ah ay la yeelanayeen Madaxweynaha Puntland, War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha puntland ayaa lagu sheegay in ay ka wada hadleen Taliyaha Ciidanka AFRICOM General Stephen J. Townsend, amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Balse ilo kala duwan ayaa sheegaya in Maraykanku ay qorsheynayaan iney saldhig weyn oo ciidan ka sameeyaan gudaha Maamul Goboleedka Puntland, isla markaana la balaariyo hawlihii ay horey uga qaban jireen Puntland.

Maraykanka ayaa muddooyinkii danbe hoos u dhigey shaqada saldhigga weyn ee ay ku lee yihiin dalka Jabuuti, waxaana ay u badan tahay in la ballaariyo saldhigyada Soomaaliya ay ku yeelanayaan.

Maraykanku waxay hadda taageero siiyaan ciidanka gaarka ah ee loo yaqaan PSF, ku waa soo la dagaalama kooxaha al-Shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Gobolka Bari qaarkood.