Wadooyinka Muqdisho oo maanta Markale la xiray

Inta badan wadooyink Magaalada Muqdisho ayaa maanta Xiran iyadoo Dadweynaha Muqdisho lugta ay maalayan

Guud, ahaan waxaa xiraan Wadooyin Muqdisho waxaana loo diiday Gaadiidka Dadweynaha ay maraan wadooyinkaasi

Isgoyska Lambar Afar Zoobe .Tarabuunka , Siinaay , Jardiinka iyo qaybo kale oo ka Tirsan Wadooyink Muqdisho ayaa maanta Xiran.

Sababta ka dambeysay arintan ayaa lagu sheegay in ay tahay in maanta la filayo in magaalada Muqdisho uu ka dhaco banaanbax lagu taageerayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ku milan howlaha siyaasada ayaa wada diyaar garow ay ku qabanayaan banaanbaxyo iyadoona  lagu wado in kumanaan dadweyne ah oo laga keeno degmooyinka gobolka ay ka qeyb galaan banaan baxa sida ay mustaqbal u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Banaanbaxaan ayaa jawaab ah u ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banadir mid maalmo ka hor dhacay oo looga soo horjeeday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dibaxyada ka dhaca caasimadda Soomaaliya oo markii horaba la tacaalaysan amaan daro ayaa ka dhaliya khasaaro iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed mana jirto talaabooyin looga baaqsanayo oo ay wadaan dowladda Faderaalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com