Maxuu ka sheegay Wadooyinka Xiran Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame?

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame OO KA Tirsan Midowga  Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya sanada 2020 iyo 2021 ayaa sheegay in sababta dowladda Federaalka ay maanta wadooyinka u xirtay ay tahay inay ka hortagto xus loo dhigayo askartii lagu dilay weerarkii lagu qaaday Xarunta Xisbiga wadajir 17-kii Bishii December ee sanadkii 2017.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in sanadkii labaad ay dowladda isku dayeyso inay ka hortagto xuska 17 December, waxaana uu dowladda ugu baaqay inay Shacabka wadooyinka u furto.

              Qoraalka ayaa u qornaa sidaan:

Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho wadooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wada kastana waa la xiray. Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, islamarkaana diidan xusuusta baroordiiqa. Xuska wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka wadooyinka u fur ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com