Midowga Musharrixiinta oo daan daansi dagaal ku Tilmaamay Ciidamo la dul dhigay .

Midowga  Musharaxiinta  ayaa cambaareeyay  Ciidamada la dul dhigay xarumaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah waddooyinka.

War saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in tallaabada ciidamada lagu dul dhigay ay tahay mid daan daansi dagaal, iyagoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaadayo mas’uuliyadda kicinta xaalada colaadeed ee lagu qalqal gelinayo amniga dalka iyo midka Musharaxiinta.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka digay in Ciidamada loo adeegsado ujeedooyin siyaasadeed oo gurracan, waxaana ay  ugu baaqeen  qeybaha kala duwan ee ciidanka in aan loo adeegsan caburinta shacabka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com