Dagaal u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland oo ka socda duleedka Gaalkacyo

Warar aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay sheegayaan halkaas uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkan ayaa saqdii dhexe ee xalay ka bilaawday deegaan lagu magacaabo Teerage oo galbeed ka xiga magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararku waxay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, balse si rasmi ah looma xaqiiji karo inta uu la egyahay, maadaama ay tahay xilli hore.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in weli goobihii ay dirirtu ka bilaabatay ee galbeedka Gaalkacyo laga maqlayo daryanka rasaasrta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Dadka aan la hadalnay waxay noo sheegeen in xilliyadii saxuurta uu aad u xoogeystay dagaalku, welin ma jirto dhinacyada oo u dhaxeeyo ee Galmudug iyo Puntland cid ka hadashay.