Laamaha Amniga Dawlada Soomaaliya oo Faah Faahin Guud ka bixiyay Weerarkii Hotel Afrik

Hay’adaha ammaanka ee dawladda Federalka Soomaaliya Faah faahin guud ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin Al-shabaab, ay ku qaadeen Hotel ka Afriik ee magaalada Muqdisho oo ku yaala Agagaarka Isgyska lambar4 gaar;ahaan wada aada garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hay,adaha Amniga Dawlada ayaa sheegay  sagaal qof oo uu ku jiro  General Maxamed Nuur Galaal, iyo dad kale oo shacab ah in la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka, in ka badan 10 qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

4 ka mid ah dadka dgeeriyooday  ayaa ahaa raggii weerarka soo qaaday sida uu sheegay afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Sadiiq  Aadan Cali Doodishe.

Alshabaab ayaa sheegtay Mas,uuliyada Weerarkaasi ay ku qaadeen Hotel Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com