Kulan looga hadlayay Hormarinta Isboortiga oo ka dhacay Xaruunta Dawlada Hoose ee Xamar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kula kulmay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga XFS Md. Xamsa Saciid Xamsa.

Labada dhinaca ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Wasaarada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo u diyaar-garowga tartanka Isboortiga ee Gobolada Dalka .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish iyo Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga XFS Md. Xamsa Saciid Xamsa,Waxaa kaloo ay kulankaasi kaga hadleen sidii Garoomo cusub loogu dhisi lahaa Dhalinyarada ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo gobolada kale.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com