Cabdi Qayb Diid iyo Muuse Suudi Yalaxoow oo Su,aalo Kulul Weydiiyay Madaxweynaha Puntland

Sanitarada kala Cabdi Xasan Cawaale Qayb Diid iyo Muuse Suudi Yalaxoow ayaa Maanta Su,aalo Weydiiyay  Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni intii uu socday Shirkii Golaha Aqalka Sare ee Madaxweyne Saciid Cabdulahi Deni uu ka qayb galay khudbadna uu ka Jeediyay

“Waxaad ku Maqnaydeen, inaan Xukuumad jirin, Waana Qodob muhiim ah, Hada waad timaadeen, Weli dalka Xukuumad kama jirto, Maxaad u timaadeen ? ma inaad madaxwaynaha Keligii la heshiisaan. ?

Mar hadii aan Xukuumad Jirin wixii la qabtaa waxay noqonayaan, wax Shaqsiyaad ah, ma idiinku jirtaa Qorshaha in madaxwaynahu Ogolaado in dalka Xukuumad loo dhiso ? ayuu yiri,Sanitor  Cabdi Qaybdiid.

Dhinaca kale Sanitor Muuse Suudi Yalaxoow ayaa dhankiisa Su’aal waydiiyey Madaxwaynaha Puntland, wuxuuna si cad u sheegay inuu socdo Heshiis aan beesha Hawiye Qayb ka ahayn, Wuxuuna sidoo kale ku eedeeyay Madaxwayne Farmaajo inaanu dalka wanaag ka rabin.

“Anagu waxaan Qabnaa in Doorashada in hada la qabto Wakhtigeeda aan lala sugin, Ama xukuumadda la dhamaystiro, ayaan codsanayaan , idinka waxba idiinma haysano ee Madaxwayne Farmaajo ayaa masuul ka ah”. Ayuu yidhi Muuse Suudi.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Puntland siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka Jawaabay Su,aalaha ay Weydiiyeen  Muuse Suudi iyo Cabdi Qaybdiid.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com