Qoorqoor oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle

Kulankaan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jabuuti ayay madaxda uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha Galmudug waxaa ku wehliyay shirkaan wasiirada Amniga, arrimaha gudaha,gaadiidka iyo masuuliyiin kale. Dhinaca kale waxaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku wehliyay kulankaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka, maareeyaha Guud ee dekadaha Jabuuti iyo Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa shalay gaaray Magaalada Djabuuti, halkaasi oo uu tagay arimo la xariira dhismaha dekedda Hobyo

Xafiiska Wararka jowhar.

Info@aragticusub.com