Diyaarad laga leeyahay dalka Indonesia oo bur-burtay biyaha Java

Muqdisho(Aragti cusub):-  Warar kala duwan ayaa kasko baxayo diyaarad ay lasocdeed  50-qof oo rakaab ah in ay  ku dhacday badda markii ay ka kacday caasimadda Jakarta, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta dowladda Indonesia.

Diyaaradaan oo nuuceedu ahaa Air ee SJY 182 ay saarnaayeen 50 rakaab ah, oo ay ku jiraan 10 caruur ah, iyo 12 shaqaale ah, waxaana markaasi kadib ciidamada badda iyo laamaha gurmadku u hawlgaleen inay raadiyaan diyaaradda.

Saraakiisha ciidamada Badda Indonesia ayaa sheegay inay heleen burburka diyaaradda oo ku kala firirsanaa biyaha badda Java, waxaana ay sheegeen in cimilladu aad u liidato halka diyaaraddu ku dhacday.

Wakaaladda raadinta iyo samatabixinta Qaranka ayaa sheegtay in goobta ay diyaaraddu ku dhacday ay qiyaastii 1.5 KM u jirto labada jasiiradood, ilaa iyo hadda ma soo bixin faah faahin ku saabsan dadkii saarnaa diyaaradda.

Diyaaradda ayaa ka baxday caasimadda Indonesia ee Jakarta, waxayna ku sii jeeday Pontianak, oo ah caasimada gobolka West Kalimantan, iyadoo daqiiqado kadib markii ay duushay lumisay khadka isgaarsiinta.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com”