R/Wasaaraha Somaliya oo la kulmay Guddiga Jaamacadaha dalka .

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay xubno ka socday Guddiga Jaamacadaha dalka ayaa kala hadlay horumarinta iy tayeyta hannaanka tacliinta sare ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la wadaagay Madaxda Jaamacadaha ee uu la kulmay sida ay uga go’an tahay tayeynta iyo horumarinta waxbarashada oo aasaas u ah dib u dhiska dalka iyo sidii mustaqbalka dhow aan u noqon lahayn dal horumarsan.

Dhankooda xubnaha guddiga Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha xaaladda waxbarashada Sare ee dalka, caqabadaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto dalkeennu si loo sii tayeeyo Waxbarashada dalka.

Kulankan oo uu ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Eng.Carab) ayaa la iskula qaatay dhammaan qodobbadii ku saabsanaa tayeynta Waxbarashada iyo horumarinteeda.