Madaxda Dawlad Goboleeddyada oo Hambalyo u diray Gudoomiyaha Cusub ee Golaha shacabka

Madaxweyneyaasha Dawlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa iyaguna soo dhaweeyay doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka 11aad ee BFS. Waxaan sidoo kale hambalyo u dirayaa dhamaan Xildhibaanada BFS oo juhdi badan ku bixiyay sidii ay u dooran lahaayeen hoggaan rasmi ah oo dalka ka saara xaaladdan kalaguurka” ayuu madaxweynaha Galmudug ku yiri qoraal uu ku faafiyay bartiisa Facebook.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaaryay 163, wuxuuna ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, oo helay codad gaadhaya 89 cod.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com