Alshabaab oo sheegatay Mas’uuliyada Qaraxii Maanta ka dhacay magaalada muqdisho

Ilaa iyo 8 qof ayaa ku dhimatay  in kabadan 15 kalena waa ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari miinaysan ayaa lagu weeraray Xerada  Guutada 12 Apriil ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Studium

Sidoo kale Qaraxa ayaa sababay burbur hantiyeed oo gaaray dhismaha Xerada la weeraray.

Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa ayaa tilmaamay in ay halkaas ku dileen ilaa 9 qof inkastoo

Afhayeenka Hawlgallada Milliteri ee Alshabaab, C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu sheegay inay fuliyeen Hawlgal Shahiidnimo oo lagu guuleystay oo ay ku qaadeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray inuu weerarkaasi geystay  khasaaro isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo gaadiid Milliteri oo la burburiyey.

sidoo kale Xeradda Ciiddan ee qaraxa  lala beegsaday waxaa ku sugan Ciiddamo ka tirsan Guutada 27-aad ee ka hawlgala Gobalka Sh/Dhexe.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com