Dhageyso:Xildhibaanada Golaha shacabka oo diiday ka doodista sharciga Galmada

Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Kulankoodi caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada  waxaa uu ahaa Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada kaasi oo laga doonayay in ay Akhrinta Koowaad marsiiyaan.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa diiday in ay Akhrinta Koowaad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Sababta ay Xildhibaanada u diideen in ay sharcigaas akhrinta mariyaan  waxaa ay ku sheegeen in ay tahay in sharcigaas uu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban.

Xildhibaan Cabdilaahi sheikh Ismaaciil oo ka Tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka soomaaliya ayaa ka mid ahaa xildhibanadii diiday sharciga Maanta la horgeeyay kulanka Golaha shacabka  Baarlamaanka soomaaliya.