Dowlada Talyaaniga oo lix milyan ku bixinaya ka hortagga Fatahadaaha Beledweyne

Madaxweynaha Maamulka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Safiir ku xigeenka Dowadda Talyaaniga ee Soomaaliya ambassador Tabio Massimo waxaana ay ka wada hadleen wax ka qabashada Arrimaha Fatahaada Beledweyne.

Waxaa Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay Mashruuci in dhowaanba la sugayay ee ka hortaga Fatahaada Mashruucaasi oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar (6,000,000$).

Safiirka ayaa U sheegay Madaxweynaha In lacagtaas Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay ay doonayaan Dad reer Beledweyne in ay ku caawiyaan si wax looga qabto Arrimaha Fatahaadaha Beledweyne ee soo noq noqday.

Madaxweyne Waare waxaa uu kaga Mahadceliyay Caawimaada Talyaaniga, waxaana aqbaarta la xiriirta Ogolaanshiyaha Talyaaniga .

Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha Ayaa waxaa la soo marsiinayaa oo fulinaya Hey’adda Cunada iyo Beeraha Ee FAO.

Gobolada Hiraan iyo Shabellada dhexe ayaa intabadan uu dhibaata uu ka geestaa  wabiga shabelle xiliyada oo biya keeno manajirto maamulka Hiirshabelle iyo kan dowlada dhex tilaab cad oo ay u qaadeen wax ka qabashada fatahaadahaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com