Kumaandooska  Danab oo Gobolka Jubbada fariisin kasameestay +Sawiro

Xoogaga Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xilligan fariisin ka sameystay Deegaanka Birta Dheer ee Gobolka Jubbada Hoose.

Birta Dheer waxay 60km u jirtaa Magaalada Kismaayo, waana halka kala qaybisa Kismaayo iyo Afmdow. Muddooyinkii ugu dambeysay waxay marin u ahayd maleeshiyada Ururka Al Shabaab, iyagoona saldhig ku lahaa.

Xoogaga Danab oo watay gaadiidka dagaalka ayaa marka hore halkaasi u aaday hawlgal ciidan, iyagoona hawlgalkaasi ku burburiyay saldhig ay ku lahaayen Ururka Al Shabaab, waxaana sida la sheegay in hawlgalka lagu dilay 6 ka mida mintidiinta Al Shabaab.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in hawlgalka ay ku qaarajiyeen 6 ka mida maleeshiyada Al Shabaab, sidoo kalena ay ku burburiyeen saldhiggii ay ku lahaayen.

Goobta ay haataan fariisanka ka sameysteen Ciidanka Danab ayaa waxaa ka muuqanaya carro tuurka ay ciidamadu ka dhigtaan gaashaanka, sidoo kalana waxaa lagu arkayaa Calanka Qaranka.

Xoogaga Danab ayaa haataan u muuqdo kuwo ku sii fidaaya Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo maalmihii ugu dambeysay ay hawlgalo ka wadeen wadada xiriirisa Kismaayo iyo Jamaame.

Gobolada Jubbada Hoose, Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe ayaa ugu badan goobaha, ay weerarada joogtada ahi ka fuliyaan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Weeraradaan ayaa isugu jira jidgal, mid toos ah iyo weliba qaraxyada ay wadooyinka kula eeganayaan gaadiidka Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com