Denmark: Cabdulcasiis Axmed Cumar oo dhawaan sharcigii kalanaqatay Denmak ayaa iminka ah maxkamad suge

Cabdulcasiis Axmed Cumar waa Muwaadinka Soomaaliyeed oo muddo 5 sano ah kunoolaa dalka Denmark,gaar ahaan magaalada lagu magacaabo Tarm,dhawaan ayaa dowladda dalkaasi Denmark waxaa ay u sheegtay in sharcigii ay kala noqotay,kadib markii uu sharcigii ka dhacay iskuna dayay in uu dib u cusboonaysiisto.

Warbaahinta dowladda gaar ahaan Wakaaladda Wararka SONNA ayuu la soo xiriiray isagoo jooga dalkaasi,wuxuuna uga waramay dhibaatada dalkaasi ku u haysata iyo sababta loogalanoqday aqoonsiga Passaporka.

“Waxaan ahay muwadin Soomaaliyeed oo ku sugan wadankan denmark, waxaana jooga Denmark muddo 5 sano ah,sharcigi waddanka ayaa iga dhamaday 2019 bishi July,waxaan tagay halka laga soo cusbooneysiyo sharciga waxa ay iyirahdeen anaga jawaabta ku siindoonoeyna.

“Bilooyin kadib jawaabtii ayaa noqotay waxaan kala noqonay ogolaanshihii waddanka aad ku joogtay,waa in aad waddanka uga baxdaa muddo 7 casho ah ama aad ku qabsataa Looyaro”.ayuu yiri C/casiis Axmed Cumar.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa waregysigiisa ku sheegay in mustaqbalkiisa ee joogitaanka dalkaasi ay ku xirantahay Alle ka sokow $1700 oo dollarka,taasi oo uu qareeno ku qabsanaayo si uu u helo xuquuqdiisa.

C/casiis Axmed Cumar wuxuu intaasi ku daray in uusan awoodin in uu kharashkaasii iska bixiyo,lacagta biilka ah ee uu qaatana oo waalidkiisa inyer kubiilo inta kalena noloshiisu uu ku maareeyo,taasi oo keentay in uu u qeylo dhaamada walaalihiisa Soomaaliyeed.

Sanadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dhibaatooyinka dhanka sharciyada ah oo ay dadka soo galootiga ah kala kulmayeen dowladaha reer Yurub,iyadoo ay jiraan dad badan oo ilaa iyo haatan sharciyo aanay helin,kuwo sharciyada lagala noqday iyo dhibaatooyin kale.

Xafiiska Wararka Oslo.

Info@aragticusub.com