Maamulka Puntland oo Ku Eedeeysay Odayaasha ku nool Waqooyiga Gaalkacyo In Alshabaab Xiriir ay la leeyihiin

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad  oo ah Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland ayaa shaaciyay in xubno ka Tirsan Mas’uuliyiinta maamulka Waqooyiga Degmada Gaalkacyo ee puntland baaritaano lagu haayo kuwaas oo lagu Eedeeynaayo in ay qayb ku yihiin falalka Amni darro ee ka dhacaya Halkaasi

Sidoo kale, Wasiir Dhaban Cad  ayaa sheegay in ay jiraan odayaal reer Puntland ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo Xiriir la leh Al-Shabaab, isla markaana uu maamulku si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa odayaashaas.

.Maamulka Puntland ayaa wada qorshe lagu doonayo in loogaga hortago weerarada ay ka geystaan ururka Alshabaab deegaanada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa ku Eedeeyay in Qaraxyada ka dhaca Waqooyiga Gaalkacyo ee Alshabaab ay geystaan ay u Fududeeyaan OOdayaal dhaqameedyo Xiriir la leh Alshabaab kuwaas oo ku sugan Xaafadaha Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com