Hay’adda Socdaalka oo xaruun cusub ka furtay Muqdisho

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta xarunteeda 2aad ee Gobolka Banaadir ka furatay Magaalada Muqdisho.

Xaruntan oo laga dhisay Degmada C/Casiis ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay adeegyada dadka uga baahanyihiin siin doontaa dadka ku dhaqan degmooyin gaaraya ilaa 8 degmo kuwaas oo kala ah; Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaaqshid, Shibis, Boondheere, Hiliwaa,Shangaani iyo Xamar Weyne.

Furitaanka xarunta maanta waxaa ka geybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud iyo Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dalka oo uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee Hay’adda Maxamed Aadan Koofi iyo xubno kale.

Qeybtan ayaa lagu wadaa in ay culeyska ka yareyso qeybta 1aad ee ku taalla Degmada Hodon taas oo dad aad u farabadan ay u doontaan Baasaboorka Dalka islamarkaana uu ciriiri aad u badan ka taaganyahay.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa xarumo waaweyn ku leh maamul Gonoleedyada oo dhan.

 

 

Image may contain: 6 people, people standing and suit

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com