Duqeyn ka dhacday Degmada Saakoow ee gobalka Jubada Dhexe

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay duqeyn shalay ka dhacday Degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe.

War- ka soo baxay Wasaaradda War-faafinta XUkuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta degmada Saakow lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab laguna dhaawacay mid kale.

Waxaa kale oo war-saxafadeedka Wasaaradda war-faafinta Soomaaliya intaas ku daray in howlgalkaas lagu burburiyay talis ay Al-shabaab ku lahaayeen Magaalada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in howlgalkan oo ay la kaashatay Ciidanka Mareykanka ee Afrika uusan jirin khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe.

Dowladda iyo Mareykanka ayaa iska kaashada duqeymaha ka dhanka ah Al-shabab iyada oo dhowr jeer dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay duqeyn ka fulisay Soomaaliya.

Sanadkan 2020 ayaa waxaa uu Mareykanka ka fuliyay howlgal dhubaca cirka ah oo kor u dhaafaya 20 weerar.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com