Dadka ku nool Hareeraha Wabiga Shabeele oo ka cabanaya biyo yari

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegy in wabiga Shabeelle ee mara degaanada Hirshabeele uu biyo yareeyay

Qaar ka mid ah Dadka ku dhaqan tuulooyinka dhinaca bari kaga aadan Magaalada Jowhar kana agdhow wabiga shabeele ayaa sheegay in wabiga uu biyo yareeyay taasi oo dhibato ku ah Dadka Beeraleyda ah eek u nool degaanada Hirshabeele

Qoysaska Beeraleyda ah ayaa tilmaamay in sanadkasta ay la kulmaan dhacdo oo ah in mar wabiga uu biyo yareeyo marna uu ku fataho degaanada Hirshabeele uu ka maro wabiga.

Hase ahatee Dadka Beeraleyda ah eek u nool Hareeeraha Wabiga shabeele ayaa isku diyaarinaya Tacabka Beeraha wallow qaarkood ay iminka goosanayan dalagyadii hore ay ugu tabceen beerahooda balse ay la kulmeen biyo yarida wabiga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com