Dhageyso: Siyaasi ka hadlay Xukunkii dilka ahaa Maamulka Puntland uu ku Fulliyay Rag lagu Eedeeyay in Shabaab ay ahaayeen

Sheekh Isaaq Xuseen Mursal Geesdheere oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay xukunkii dhawaan Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Puntland ay ku Fulisay 21 Ruux oo lagu Eedeeyay in Alshabaab ay ka Tirsanaayeen

18 ka mid ah Ragga la dilay ayaa lagu toogtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug Halka labo ka mid ah  Dadkaasi lagu toogtay Magaalada Garwo sidoo  kalena Midka 21aad ayaa isna lagu toogtay degmada Qardho ee gobolka Karkaar ee Maamul goboleedka Puntland.

Sheekh Isaaq ayaa sheegay in Dadkaas dhamaantood aysan dambiga wada gelin qaarkoodna ay ahaayeen dad ku dhex ganacsanayay suuqyada degaanada Puntland ku yaala isaga oo hadalkiisa intaasi raaciyay in inta aan la toogan Dadkaas ay ahayd in lala soo xiriiro maamulada ay ka soo jeedaan sida Koofur galbeed iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya