Shirka Golaha wadatashiga oo socda & Guddi hortegay

Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaaa Maalintii labaad oo xiriir ah ka socda Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka, kaas oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

.Shirka ayaa  waxaa Maanta hortegay oo warbixin lagaga dhageysfay Kooxda la taliyeyaasha Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranka, kuwaas oo soo bandhigay qorshayaashooda la xiriira Arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxda Golaha wadatashiga Qaranka ayaa ka doodaya in dib u eegis lagu sameeyo waxyaabaha caqabada u keeni kara doorashada Soomaaliya ee kujira heshiiskii doorashada ee la gaaray 27-kii Bishii May qorshahaas oo ay soo bandhigeen qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka ayaa waxaa la filayaa inay madaxda heshiis ku gaaraan, isla markaana geba-gabadiisa ay kasoo saaraan Warmurtiyeed ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashada Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com