Boqorka dalka Norway oo maanta si rasmi ah u qaatay talaalka sedexaad ee ka hor taga xanuunka COVID19.

Oslo:-Boqorka iyo Boqorada Wadankan Norway ayaa maanta la shaaciyay in ay qaateen talaalka sedexaad ee ka hor taga xanuunka Covid19 ee dunida sida aadka ah u aafeeyay.

Warqoraal ah oo lagu daabacay wabsetka gaarka ah ee guriga boqorka ayaa lagu yiri boqorka iyo boqorada waxaa ay maanta qaateen talaalkii sedexaad ee ka hor taga xanuunka Covid 19.

Lamaanaha boqortooyada Norway ayaa talaalkii ugu horeeyay qaatay 13-kii bishii janaayo halka midkii labaad qaateen sedex isbuux kadib.

Wadamada badan ayaa hada wada dadaalo ay ku doonayaan in bulshada ku qaataan talaalka sedexaad si xal loogu helo xakameynta xanuunka safmarka ah ee Covid19.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com