Madaxweynaha Turkiga oo ka baaqsaday ka qeyb galka shirka looga hadlayo cimilada.

Ankara:-Madaxweynaha ayaa markii hore la filayay in uu ka qeyb galo shirkaas balse markii dambe ayaa la shaaciyay in uu ka baaqsaday ka qeyb galka kulankaas.

Warka ayaa sheegaya in sababaha madaxweynaha uga baaqsaday ka qeyb galka shirka caalamiga ah ee looga hadlayo wax ka qabashada cimilada aduunka ee sii xumaanaysa in la xiriirto kadib markii dowlada Ingiriiska ay ku guuldareysatay in ay buuxiso dalabyada Xukuumada Ankara ee ku aadan sugida amaanka Madaxweynaha.

Saraakiil ka tirsan dowlada Turkiga oo la hadlay warbaahinta Reuters ayaa sheegay in jawaab la,aanta dowlada Ingiriiska keentay in Madaxweynaha ka baaqsado ka qeyb galka kulankaas.

Madaxweyne Rajab dayib ayaa dhawaan ka qeyb galay shirka Madaxda G20 ee ka dhacay Magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga.

Waxaana la filayay in shirka kadib ka qeyb galo midka haatan ka socanaya dalka Ingiriiska balse dib ugu laabtay Turkiga.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray xiisadad siyaasadeed ka dhex jirta dowlada Turkiga iyo qaar ka mid ah dowladaha reer Galbeedka.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com